Tuesday, February 16, 2010

Shirkadda Lundin Petroleum oo lagu eedeeyay lugtay ku lahayd xasuuq ka dhacay Ogaden


Shirkadda Lundin Petroleum oo laga leeyahay dalka Sweden ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahayd xad gudubyo banii'aadannimo oo laga kala gaystay goobo shidaal laga baadho oo kala ah Sudan iyo Ogaden.

Warkaas oo kusoo baxay buug loogu magac daray "Ka ganacsiga Dhiigga iyo Saliidda" oo ay qortay gabadh wariye ah oo magaceeda la yidhaahdo Kerstin Lundell taasoo in badan ku raad joogtay howlaha shirkaddaas, gaar ahaan Ogaden.

Kerstin waxay si faahfaahsan uga faallootay heerka la gaadhsiiyay tacaddiga lagu hayo dadka dulman ee Ogaden, kadib markii la dardar galiyay baadhitaanka shidaalka Ogaden iyadoo awalba dadkaas hagardaamooyinka lagu hayo ay jooto ahaayeen inkastoo adduunku iska door biday inuu indhaha ka daboosho.

Waxaa xusid mudan inay sidoo kale soo bandhigtay siday shirkadda Lundin shaqadeeda ugu jahaysay meelaha dhibaatadu ka aloosantahay sida bay tidhi Ciraaq, Liibya, Soomaaliya, Koonfur Afrika xilliigii midab-takoorka. Waxay kaloo xustay sida shirkado kale oo Lundin la mid ahaa dadyaowga dalalkoodu cadaadis u saareen kadib markii la ogaaday lugta ay ku leeyihiin mashaakil badan oo haysta dad sida Ogaden godkoodii biyo ugu galeen.

Saafi Labafidhin

No comments: